HomeAll newsXuuthiyiinta oo Waraaqa Safiirnimo Ka Gudoomay Safiirka Iiran ee Yemen.

Xuuthiyiinta oo Waraaqa Safiirnimo Ka Gudoomay Safiirka Iiran ee Yemen.

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa ku dhawaaqday in magaalada Sancaa ee caasimadda dalka Yemen, uu soo gaaray safiir ay soo dirstay dowladda Iiraan, kaasoo waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay xukuumadda Xuuthiyiintu ka dhiseen Sancaa.

Wasiirka arimaha dibadda iyo qurbajoogta ee xukuumadda Xuuthiyiinta Jamaal Caamir, ayaa waraaqaha aqoonsiga kala wareegay safiirka cusub ee ay Iiraan usoo dirtay Sancaa, oo lagu magacaabo Cali Muxamad Ramadaani.

Wakaaladda wararka ee Saba’, qeybta ay maamulaan Xuuthiyiinta, ayaa baahisay in safiirka Iiraan uu soo gaaray magaalada Sancaa, arintaasi ayaana la ogeyn sida ay ku suurogashey, maadaama ay cunaqabateyn xaga duulimadyada hawada ah saarantahay magaalada Sancaa.

Imaanshaha safiirka cusub ee Iiraan uu yimid Sancaa, ayaa kusoo aadeysa iyadoo saddex sano kahor uu geeriyooday safiirkii Iiraan u fadhiyay magaalada Sancaa, kaasoo goor dambe la sheegay inuu u dhintay cudurka Corona virus.

Dowladda shiicada ah ee Iiraan, ayaa Xuuthiyiinta u aqoonsan iney yihiin jihada rasmiga ah ee sharciga ah ee maamusha dalka Yemen, iyadoo aan aqoonsaneyn xukuumadda ay Qaramada Midoobay aqoonsantahay ee fadhigeedu yahay magaalada Cadan ee koonfurta Yemen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular