HomeAll newsItoobiya oo Ka Hortimid Howlgalka Cusub ee AUSSOM ee Masar Qeybta Ka...

Itoobiya oo Ka Hortimid Howlgalka Cusub ee AUSSOM ee Masar Qeybta Ka Tahay.

War Saxaafadeed kasoo baxay dowladda Itoobiya, ayaa si adag looga horyimid howlgalka cusub ee uu Midowga Afrika doonayo inuu ku bedelo ciidamada shisheeyaha ATMIS, ee duullaanka ku jooga Soomaaliya, kaasoo loogu magacdaray AUSSOM.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya, ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay ka walaacsantahay isbedelka lagu sameynayo howlgalka ATMIS, kaasoo lagu bedelayo mid cusub, taasoo ay Itoobiya ku tilmaamtay mid halis gelinaya mandiqadda.

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay, in isbedelkan ay isku diyaarinayaan midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay uu mandiqadda gelinayo xaalad mugdi ah, Itoobiyana aaney marnaba suuragal ahayn iney indhaha ka daawato waxa dhacaya, halka dhinacyada kale ay tallaabooyin qaadayaan, sida warka loo dhigay.

Itoobiya waxay ku eedeysay Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxmuud, iney qaadeyso tallaabooyin halis gelinayo amniga gobolka, iyadoo xiriir la sameyneysa jihooyin kale, taasoo ah Masar, inkastoo bayaanka Itoobiya looga leexday xusitaanka arintan.

Waa markii ugu horeysay oo ay dowladda Itoobiya ka hadasho go’aanka dhawaan kasoo baxay Midowga Afrika, ee lagu sheegay in howlgalka ATMIS lagu bedelayo howlgal kale oo ka xajmi yar, kaasoo awooda ugu badan ku bixinaya ilaalinta magaalooyinka waaweyn ee ay ka howlgalaan Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Howlgalka cusub ee AUSSOM ayaa waxaa ka qeyb ka ah dalka Masar, oo ay xurguf siyaasadeed kala dhexeyso Itoobiya, waqti xaadirkanna ay heshiis iskaashi la saxiixatay Dowladda Federaalka, tan ayaana ah tallaabo ka careysiisay Adis Ababa.

Warka kasoo baxay Itoobiya, ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ay soo caga dhigatay diyaarad Masar leedahay oo sida la sheegay siday saraakiil Masaari ah iyo saanado ciidan, taasoo qeyb ka ah iskaashiga milliteri ee dhexmaraya Dowladda Federaalka iyo Nidaamka Siisi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular