Diyaaradda Buweng 757 ayaa la kulantay fal shil ah, xilli ay ku sugneyd mid kamid ah garoomada diyaaradaha ee dalka Maraykanka.
Mid kamid ah taayarada diyaaradda ayaa qarxay xilli ay ku sugneyd garoonka caalamiga ah Hartif-Feld Jackson Atlanta, waxaana ku dhintay labo kamid ah shaqaalaha diyaaradda, halka uu mid kale dhaawacmey.
War kasoo baxay shirkadda Delta ayaa lagu sheegay iney ka tacsiyeynayana dhacdadan argagaxa badan, sida lagu sheegay war kasoo baxay shirkadda.
Diyaaradda Buweng ayaa kamid ah kuwa ugu shilalka badan caalamka, waxaana dhowrjeer oo hore ay shirkadan la kulantay in diyaarado ay leedahay ku burburaan hawada, dadki saarnaana ay baaba’aan.