Buslhada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ay ku qabaan wadooyinka burbursan ee ay biyuhu fariistaaan xilli roobaaadka.
Dadkaan oo isugu jira gaadiidleyda iyo qeybaha kale ee bulshada, ayaa waxa ay sheegeen in badi wadooyinka caasimadda ay yihiin kuwa biyo fariisid ah oo aan la mari karin.
Dowladda Fedaraalka ayay ku tilmaameen mid usoo dhigatay hantida dadka, islamarkaana aan laga sugeynin iney wax uqabato bulshada.
Xasan Sheekh ayay sheegeen inuu dalka sicir-barar iyo dhibaateeyin uhorseeday, canshuuraha badan ee ay soo rogeenna ay yihiin kuwa dadka lagu baadayo balse aan waxba loogu qabaneynin.