HomeAll newsDowladda Federaalka oo Xirtay Qaar kamid ah Agaasimayaasha Isbitaallada Muqdisho.

Dowladda Federaalka oo Xirtay Qaar kamid ah Agaasimayaasha Isbitaallada Muqdisho.

Waxaa weli magaalada caasimadda ah ee Muqidsho ka taagan culeeska ka dhashey mashruuca ay Dowladda Federaalka ku dooneyso iney ku boobto hantida shacabka Soomaaliyeed, ee la daala dhacaya dhibaatooyin kala duwan.

Xarumaha Caafimaadka ee magaalada Muqdisho ayaa kamid ah meelaha sida weyn looga dareemayo culeeska la xiriira canshuurta Vat, waxaana isbitaallada qaarkood ay soo saareen war saxaafadeedyo ay ku sheegayaan inaaney qeyb ka noqon karin tallaabada dadka looga qaadayo lacagtan.

Warbaahinta magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa tilmaamay, in Dowladda Federaalka ay xabsiyada u taxaabtay agaasimayaasha qaar kamid ah isbitaallada Muqdisho, oo ka cudur daartay in bukaannada ay daweynayaan ay ku dallacaan lacagta Vat.

Muda kadib ayay Dowladda Federaalka sii deysay agaasimayaasha ay xirtay, waxaana illaa iyo hadda aaney jirin wax heshiis ah oo laga gaaray qodobka keenay in agaasimayaashan xabsiga la dhigo.

Cabdi-Raxmaan Cabdi-Shakuur oo kamid ah xillibaannada Dowladda Federaalka, mucaaradna ku ah xukuumadda Xasan Sheekh Maxmuud, ayaa qoraal ku saabsan arintan waxa uu soo dhigay bartiisa Facebooka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular