Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ah wasiirka macdanta iyo batroolka ee Dowladda Fedaraalka ayaa shaaca ka qaaday, in dabaaqayada bisha soo socota ee September ay dalka imaan doonaan baarayaal shidaal oo ka socda Turkiga.
Waxa uu tilmaamay iney xeebaha Soomaaliya ka sahminayaan shidaal, islamarkaana sannadka 2025-ka ay si rasmi ah xeebaha dalka uba billaaban doonto howsha shidaal qodista, taas oo uu xusay iney qeyb ka tahay heshiiskii xaaraanta ahaa ee ay Turkiga ugu saxiixeen inuu qaato kheyraadka dalka.
Halkaan ka Degso Warbixinta Hadalka Wasiirka