Degmada Faafi ee gobolka Gaarisa oo kamid ah dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya gumeysato, waxaa ka dhacay dagaal culus oo ay qaadeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Dagaalkan ayaa si gaar ah kaga dhacay, tuulada Madax Muruub oo hoostagta degmadaasi, waxaana lagu qaaday ciidamo katirsan kuwa kenya oo ilaalo ka hayay, ceel-biyood ay dowladda Kenya ka qodeysay degaankaasi.
Muddo kooban markii ay xabaddu socotay, askarta Kenyaanka ah ayaa bilaabay iney isaga cararaan fagaaraha dagaalka iyo guud ahaan degaanka, faahfaahin intaas dheerna ilaa iyo hadda kama aanan helin.
Gobolka Gaarisa waxaa horay uga dhacay, weerarro kala duwan oo lagu beegsaday Ciidanka Kenya, kuwaasoo gaarsiiyay khasaarooyin kala duwan.