Dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay Qodobo dhowr ah oo salka ku haya xiisadda ka dhexeysa iyada, Dowladda Federaalka iyo Masar oo qeyb ka ah.
Dowladda Federaalka ayey ku tilmaantay midaan dowladnimo waxba ka aqoon oo ka jirta Muqdisho oo kaliya, oo aaney xitaa gaari karin gobolka Shabeellaha Hoose.
Itoobiya oo warkeeda laga dheehanayo iney Dowladda Federaalka kor ka maamusho, si adag uga hadashay ciidanka Masaarida ee la keenayo Soomaaliya, waxayna si cad usheegatay, inaaney Dowladda Federaalka waxba ka bedelikarin howlgalka midowga Afrika.
Waxay kaloo intaasi ku daray, iney qasab tahay in cidda ” nabad-ilaalinta” u imaaneysa Soomaaliya ay tahay in laga talageliyo, sida ay hadalka u dhigtay.
Arrimahan ayaa laga sheegay warbaahinta Dowladda Itoobiya, iyadoo maalintii darraad Adib ababa saxaafadda kula hadlay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya.