Wasiirka arimaha dibadda Jabuuti, ayaa sheegay iney diyaar u yihiin in Itoobiya ay si rasmi ah ugu wareejiyaan dekad ku dhow xad beenaatka ay la leeyihiin Itoobiya, si loo soo afjaro khilaafka kala dhexeeya Dowladda Federaalka.
Maxamed Cali Yuusuf, ayaa isagoo waraysi siinayay warbaahinta dalka Ingiriiska, wuxuu sheegay in Jabuuti ay diyaar u tahay in Itoobiya ku wareejiso dekad ay iyadu 100% ay maamulkeeda yeelaneyso.
Wuxuu sheegay in dekaddan ay diyaarka la yihiin iney maamulka Xabashida siiyaan ay wax kayar 100 kilometer u jirto xuduud beneetka ay wadaagaan Jabuuti iyo Itoobiya.
Tallaabadan ayaa muujineysa sida maamullada Shisheeyaha ku daaban ee ka jira dhulkii Soomaaliweyn ay ugu kala tartamayaan raalligelinta Itoobiya.
Muuse Biixi ayaa horey u siiyay Itoobiya dhul badeed ay Soomaalidu leedahay, Xasan Sheekh Maxmuud ayaa isaguna sheegay inaaney Itoobiya u diidaneynin bad, halka maanta ay Jabuuti sheegeyso iney diyaar u tahay iney bad siiso Itoobiya.