Labada wiil oo dhalinyaro ah ayay shalay galabtii liqday badda, xilli ay ku sugnaayeen xeebta magaalada Bebera ee uu ka arrimiyo maamulka la baxay Soomaliland.
Dhalinyarada ay baddu liqday ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Maxamud Qoorsef Iyo Abdirahman Maxamuud Jannaale, iyagoona ka yimid magaalada Hargeysa.
Cabdiraxmana Maxamuud Jannaale ayaa waxa uu bare ka ahaa mid kamid ah macaahidda ku taalla dhulka uu ka arrimiyo maamulka la baxay Soomaaliland.
Qof 3-aad ayaaa isagana laga soo badbaadiyay xeebta kaas oo la dhigay xarun caafimaad.