Maalintii shalay waxaa xeebta Geel-laq ee ku taalla degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ay qaaday wiil dhalinyaro ah.
Wiilka ay baddu qaaday oo 17 jir ahaa ayaa lagu magacaaba Maxamed Axmed Suufi, kaas oo aan illaa iyo hadda raq iyo ruux toona lagu heynin.
Hooyada dhashay wiilkaan iyo qoyskiisa ayaa baadi goob ugu jira helidda wiilkooda nolol ama geeri intaba, iyagoo xeebta ku sugan ayayna ka hadleen qaabka loo waayay Maxamed.
Halkaan ka Degso Faahfaahinta Warkaan