Kalluumeysata ku nool degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa ka cabanaya ku dhawaad boqol markab iyo doonyo shisheeye oo dhibaato ku haya.
Waxay tilmaameen ineysan badda gudaheeda ka kalluumeysan karin oo ay soo xabadeynayaan maraakiibta shisheeye iyo doomaha ku jira badweynta ilaa iyo xeebta.
Kalluumeysatada degmada Eyl ayaa sheegay iney Maraabkiibtu hubeysanyihiin oo aysan udhawaan karin, islamarkaan ay iyagu uun warareegaan xeebta soke ee badda, haddii ay ka ag dhawaadaanna ay rasaas kusoo furayaan.
Waxay sheegeen iney maraakiibtan iska heystaan badda, cidda keentayna ay tahay, mas’uuyiin katirsan Dowladda Fedaraalka.
Mararka qaar haddii ay gudaha galaan badda ayey sheegeen iney shabaakadahooda ka jaraan oo ay iyaga laftooda dusha kamarayaan, halka xilliyada qaarna ay rasaas kusoo furaan.
Maraakiibta iyo doomaha ayaanan ahayn kuwa meeldheer jira oo qofkii xeebta taagan uu arki karo, sida uu sheegayo mid kamid ah odayaasha degaanka oo kamid ah Kalluumeystada.
Maraakiibtan ayaa xaaluf ba’an ku haya badda, iyagoo marwaliba dhibaateeya Kalluumeysatada Soomaaliyeed ee ka jillaabta badaheenna.