HomeAll newsSarkaal Xuuthi ah oo Lagu Dilay Bartamaha dalka Yemen.

Sarkaal Xuuthi ah oo Lagu Dilay Bartamaha dalka Yemen.

Gobolka Al-Beydaa ee bartamaha dalka Yemen, ayaa waxaa isagana laga soo sheegayaa iney ka dheceen dagaallo culus oo dhexmaraya malleeshiyaadka Xuuthiyiinta iyo qabaa’ilka halkaas dega ee reer Qeyfa.

Dagaallada ayaa ka dhacay magaalada Radaac ee gobolka Al-Beydaa, waxayna yimaadeen kadib markii qabaa’ilka Qeyfa ay ka dagaallameen in xabsiga magaalada laga saaro sarkaal Xuuthi ah oo dhawaan fal kufsi ah u geystay wiil yar.

Dhalinyarada qabaa’ilka ayaa markii ay ka war heleen isku dayada ay Xuuthiyiintu ku doonayaan in sarkaalkaas ay ugu tahriibiyaan Sancaa, waxay go’doomiyeen nawaaxiga xabsiga dhexe ee magaalada Radaaac.

Goobta ayaa waxaa ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray qabiilka Qeyfah iyo malleeshiyaadka Xuuthiyiinta, waxaana khasaare lagu gaarsiiyay kooxda Xuuthiyiinta.

Sarkaal Xuuthi ah ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay dagaalka, halka afar kalena ay dhaawacmeen, waxaana fashilmey isku deyga lagu doonayay in lagu fakiyo sarkaalka Xuuthiyiinta katirsan ee falka gurracan ka geystay magaalada Radaac.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular