HomeAll newsMaamulka Soomaaliland oo Xabsiga Dhigay Xildhibaan Maxamed Abiib.

Maamulka Soomaaliland oo Xabsiga Dhigay Xildhibaan Maxamed Abiib.

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka la baxay Soomaaliland ayaa ku waramaya, in gudaha magadaasi lagu xiray xildhibaan Maxamed Abiib oo kamid ah golaha wakiillada ee maamulka.

Xildhibaanka ayaa waxaa isagoo kasoo laabtay dalka Imaaraatka Carabka laga qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Ninkaan ayaa waxa uu caan ku ahaa jeedinta hadallo xanaf leh oo ka dhan ah maamulka la baxay Soomaaliland, isagoo si weyn udhaliilsanaa madaxweynaha maamulkaas Muuse Biixi.

Intii uu ku sugnaa dalka Imaaraatka Carabta ayaa la sheegay inuu weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha maamulka la baxay Sooomaaliland, waana taas midda ay dadka qaar usababeynayaan iney ka dambeyso xarigiisa.

Xeer ilaalayaha guud ee maamulka la baxay Soomaaliland ayaa bishii July ee lasoo dhaafay waxa uu golaha wakiillada ka dalbaday, iney xilka ka qaadaan Maxamed Abiib oo ah xildhibaanka hadda la xiray.

Waxaa kolkaasi lagu eedeeyay inuu la kulmay masuuliyiin katirsan Saraaafadda Jabuuti ee Soomaaliya, islamarkaana uu kala hadlay arrimo ku saabsan maamulka la baxay Soomaaliland.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Soomaaliland oo ku aaddan xariga xildhibaankaan, balse qaar kamid ah hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka iyo xildhibaanno katirsan maamulka ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada lagu xiray xildhibaan Maxamed Abiib.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular