Shilkan oo warar is khilaafsan laga baahiyay, ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay dhaawaca hal gabar, taasoo dhaawaceeda la dhigay xarun caafimaad.
Muuqaal lasoo duubay markii uu shilku dhacayay ayaa lagu arkayaa, gaari weyn oo ku dhacaya mooto bajaaj, shilka ayaana umuuqda mid kas loo galay, maadama gaariga oo ahaa mid Xamuul ah markii uu shilka galay isaga baxsaday goobta.
Dad badan oo Soomaaliyeed oo buuxay goobta shilku dhacay, ayaa kahor inta uusan shilku dhicin gaariga udigay, wuuna ka dhega adeegay, waxaana hadalkooda laga fahmayay, in ninka gaariga waday uusan Soomaali ahayn.
Dadkii ayaa markii uu wadaha gaarigu ku dhaqaaqay falkaas weeraray waxayna adeegsanayeen waxlo ay ka tuurayeen gacmahooda, waxaana la arkayaa isagoo ka baxsaday goobta.
Magaalada Jigjiga ayaa waxaa aad ubuuxa dad Itoobiyaan ah, kuwaasoo la wareegay shaqooyinkii waaweynaa iyo kuwii yar yaraa, halka Soomaalida la dulleysto oo ay halkaasi ka tuugsadaan, waxaana suuragal ah in falkan ay Xabashi ka dambeyso.