Waxaa habeenkii xalay, ciidamada loogu yeero Bankraft ee taabacsan Maraykanka ay weerar ka fuliyeen deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku dileen qof shacab ah.
Dadka deegaanka ayaa u xaqiijiyay warbaahinta Islaamiga ah Al-Furqaan, in ciidamada Maraykanka daacadda u ah ay habeenkii xalay weerar ka geysteen deegaanka Tooratoorow, halkaasna ku dileen oday waayeel ah.
Dadka deegaanka ayaa sheegay iney aad uga xunyihiin tallaabadan ay ku dhaqaaqeen ciidamada Bankrafta, ee ay ku dileen oday 70 sano jir ah.