Safaaradda Mareykanka ee dalka Turkiga iyo xafiiska gudoomiyaha Mandiqadda Izmir ee gudaha dalkaas ayaa waxa ay sheegeen, in koox dhaalinyaro Turki ah ay weerar ku qaadeen askar katirsan dowladda Mareykanka.
Kooxdaan dhalinyarada ah oo katirsan mid kamid ah xisbiyada ka dhisan dalka Turkiga ayaa waxay jirdil ugeysteen 2 askari oo katirsan Mareykanka, iyadoo xukuumadda Ankara ay xabsiga dhigtay 15 ruux oo ay ku eedeysan iney qeyb ka ahaayeen dadka weerarka geystay.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska gudoomiyaha Mandiqadda Izmir ee dalka Turkiga ayaa lagu sheegay, in kooxdaan dhalinyarada ah ay katirsan yihiin xisbiga qowmiga mucaaradka ah ee Faataan ee ka dhisan gudaha Turkiga.
Askarta Americanka ah oo sitay dharka rayidka ayay dhalinyaradaan ku garaaceen mandiqad lagu magacaabo Koonaak oo ku taalla dalka Turkiga.
Waxa uu intaas ku daray in 5 kamid ah ciidamada Mareykanka ay usoo gurmadeen saaxibadood, boliska Turkigana uu dhacdada la fal galay, islamarkaana ay xireen 15 roox oo uu ku tilmaamay iney ahaayeen dhammaan raggii weerarka geystay, iyadoo afhayeen u hadlay Aqalka-cad ee Mareykanka uu falkaan ku tilmaamay mid laga argagaxo, boliska Turkigana looga baahan yahay iney kiiskaan si jiddiyo leh ku qaabilaan ayna la xisaabtamaan qolyaha ka dambeeyay dhibaateynta ciidamada Americanka ah.
“Askarta Amerikanka ah waxaa gacmahooda ka qoyan dhiigga ciidamadeenna iyo kumannaan kamid ah Shacabka Filastiin, ma dooneyno iney dalka naga wasaqeeyaan, mar waliba oo ay halkaan yimaadaan waxaan ku qaabili doonnaa dariiqada ugu haboon ee ay mudan yihiin” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Midowga Dhalinyarada ee Turkiga.