HomeAll newsYAHUUDDA OO MACBAD KA DHISANAYSA MASJIDKA AL-AQSAA .

YAHUUDDA OO MACBAD KA DHISANAYSA MASJIDKA AL-AQSAA .

Dad badan oo Yahuud ah ayaa tallaabo horey loo qaaday u arkay ku dhawaaqista wasiirka amniga Yahuuda Itamar Ben ee ah inuu doonayo inuu masjidka Al-Aqsa ka dhiso Kaniisad, kaasoo sheegay inuu ka dhabeynayo qorshahaas kadibna uu u gudbinayo xukuumadda Netanyahu si loo meel mariyo soo jeedintiisa.

Arrintan waxay si toos ah u cadeeneynaa in Yahuudu aaney la gabbanayn ujeedooyinkooda gurracan, dhibaatooyinka annadihii lasoo dhaafay ka dhacayay Masjidka Al-aqsaa-na ay iyagu mas’uul ka yihiin, kuwaasoo gumaadka ay ka wadaan Qaza-naay u arka waajib ay gudanayaan.

Bishii Agoosto ee lasoo dhaafay 13-keedii, intii lagu guda jiray munaasabadda waxa loogu yeero “Xuska Burburka Macbadka,” wuxuu masjidka Al-Aqsa goob joog u ahaa dad Yahuud ah.

Moshe Feiglin oo ah Yahuudi xagjir ah ayaa kaga dhawaaqay gudaha Masjidka Al-Aqsa in maamulkoodu uu si rasmi ah u ogolaaday in lagu sameeyo waxyaabaha ay Yahuudu u yaqaanaan cibaadada.

Khudbadiisa wuxuu ku sheegay in Yahuudu ay maalin kasta u sii socoto guul-darradu ka soo gaarayso dagaalka ay ka waddo Qaza iyo jiidda woqooyiga, bale ay hal guul oo kaliya kasoo horysay sida uu hadalka u dhigay in masjidka Al-aqsaa lagu billaabo dib u qaabeyn, lagana hirgaliyo cibaadaadka Yahuuda.

Wadaadada Yahuuda oo isugu jira kuwa hore oo la dilay iyo kuwa maanta jooga ayaa aaminsan in yahay yoolka ugu weyn ee dagaalka maadaama uu dhaco goos istaraatiiji ah oo barakaysan, waxay u arkaan Yahuudu la wareegitaanka Al-aqsaa inuu keeni karo in ay quus geliyaan Muslimiinta.

Laakin muslimiintu waligood kama quusan muqadasaadkooda, saxaabada oo uu hogaaminayo Cumar Radiyallaahu Canhu ayaa furtay masjidka Al-Aqsaa, xilligii dagaalkii xuruubu-saliibiyana waxaa furtay salaaxudiin AL-Ayuubi.

Wargeyska “Haaretz” ayaa dhawaan daabacay maqaal ay si wadajir ah u qoreen labo wariye oo Yahuudi ah oo la kala yiraahdo Yoram Peri iyo Gabi Fayman ayaa nuxurkiisa lagu sheegay insheegashada masjidka Al-Aqsaa aaney ahayn kaliya wax hamiga lagu hayo, hase ahaateen waxay ku tilmaameen qorshe fog oo kamid ah istaraatiijiyadda Yahuuda.

Xagjirayaashan Yahuuda ah waxay sheegayaan in maamulkoodu wajahayo culeys, rajaduna ay tahay mid aan wanaagsanayn, balse waxay ayidayaan go’aankii dhawaan ay qaadatay xukuumadda Yahuuda ee ka dhanka ahaa Masjidka Al-aqsaa.

Waxay sheegayaan in 2015 ay arrintu joogtay in Jhon Kerry xoghayihii arrimaha dibadda ee Mareykanka uu Yahuuda siiyay xuquuq ay ku booqan karaan Masjidka Al-Aqsa iyagoo aan sameyn wax cibaado ah, laakin maanta xaaladdu ay mareyso Yahuuda cusub iyo in masjidul aqsaa laga dhisayo macbadyo Yahuudeed.

Dr Cabdullaahi Macruuf oo ah qoraa muslim ah ayaa waxa uu sheegayaa in loo baahan yahay tallaabooyin Yahuuda kahor joogsan kara ficiilada gurracan ee ka dhanka ah Masjidka barakaysan ee Al-aqsaa.

Wuxuu xusay in Yahuudu dooneyso gabi ahaanba iney meesha ka saarto cibaadaadka Muslimiinta, masjidul-aqsaana ay ka dhigato meel macbad ah, wuxuu Muslimiinta usoo jeediyay iney fahmaan shirqoollada Yahuuda una istaagaan sidii ay u dhiciseyn lahaayeen.

Aqoonyahan Macruuf ayaa nasiib darro ku tilmaamay in wasiirada Yahuudu ay maanta si cad fagaarayaasha uga sheegayaan in masjidka Al-aqsaa ay macbad ka dhisanayaan.

“Tani waa waxa ka dhigaya Itamar Ben Gvir maanta in loo tixgeliyo geesiga Yahuuda” waxay xagjiriinta Yahuudu u arkaan wasiirkan inuu yahay hogaamiye aan ka baqayn khadadka cas ee Muslimiinta iyo nin dhisi kara macbad wen oo ku yaalla Al-aqsaa” sidaasi waxaa yiri aqoonyahan Cabdalla Macruuf.

Yahuudu waxay isku dayayaan iney indhaha dadkooda kasoo jeediyaan dagaalka Qaza ee ku dabadheeraaday, una muujiyaan yididiilo ah in ay macbad ka dhisayaan masjidka Al-aqsaa, laakin waxay aqoonyahanadu sheegayaan inaan la dhayalsan karin hanjabaadaha Yahuuda, masjidul-aqsaana uu u baahan yahay in loo hiiloyo.

Halkan ka dhagayso warbixin.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular