HomeAll newsTahriibiyaal ku Dhintay Xeebaha u dhexeeya Faransiiska iyo Ingiriiska.

Tahriibiyaal ku Dhintay Xeebaha u dhexeeya Faransiiska iyo Ingiriiska.

Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa dad tahriibayaal ah oo ay dooni kula degtay xeebaha udhexeeya dalalka Ingariiska iyo Faransiiska ee qaaradda Yurub.

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday, in ugu yaraan 12 tahriibayaal ah ay dhinteen kadib markii ay la qallibantay doontii ay saarnaateen oo ka gudbeysay kanaalka Tunnel, iyagoo kusii jeeday dalka Ingariiska.

Wararka ayaa sheegaya iney socdaan dadaallo lagu baadi goobayo dad nonon iyo geeri lagu la’yahay oo saarnaa doonta qallibantay.

Lama shaacin tirada rasmiga ah ee dadka saarnaa doontaan ku qallibantay xeebaha udhexeeya dalalka Faransiiska iyo Ingariiska.

Dhacadaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo madaxweynaha Faransiiska iyo Ra’iisal Wasaaraha Inagriiska ay wada jir ah ugu goodiyeen iney kala jari wadooyinka ay adeegsadaan tahriibayaasha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular