Maxkamadda Shareecada Islaamiga ah ee magaalada Saakow ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay 2 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka.
Askarta Galabta Saakow lagu toogtay wexey kala ahaayeen:
1-Maxamad Xasan Maxmuud oo loo yaqaano (Xamaali) oo ahaa askari katirsan Dowladda Fedaraalka, islaamrkaana ku jiray kuwii lagu soo tababaray dalka Eretareya.
2-Yaasiin Cabdullaahi loo yaqaano (Cade Love) wuxuu isana kamid ahaa asakrta Dowladda Fedaraalka gaar ahaan guutada 86-aad. Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayuu ka howlgalayay, wuxuuna tababar kusoo qaatay saldhiga Mareykanka ee Balli-doogle ee Shabeelaha hoose.
Haddaba dhageyso mid kamid ah qudaada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo faahfaahin ka bixinaya xukunka.