Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka, ayaa ku waramaya in toogasho khasaare dhalisay ay ka dhacday iskuul ku yaala gobolka Jorjiya ee dalka Maraykanka.
Dugsiga sare Abalatshi ee magaalada Baaru ayuu ka dhacay weerarka toogashada ah, waxaana qof hubeysan uu gudaha u galay iskuulka, halkaas oo uu toogasho ka billaabay.
Ugu yaraan afar qof oo Ameerikaan ah ayaa lagu dilay toogashada, halka lagu dhaawacay sagaal kale, fuliyaha weerarka toogashada ah ayaana isagoo nool waxaa gacanta ku dhigay ciidamada booliiska Maraykanka.
Saraakiisha booliiska gobolka oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in iyo illaa hadda aanu cadeyn waxa uu salka ku hayo weerarka, qoysas badan oo Ameerikaan ah ayaana la arkayay iyagoo hor taagan xarunta iskuulka, murugna ay ka muuqato.
Weerarada toogashada ah ayaa ah kuwa si joogta ah uga dhaca dalka Maraykanka, inta badanna majirto todobaad aan lasoo warin toogasho khasaare dhalisay oo ka dhacda dalka Maraykanka.