Madaxweynihii hore ee Dowladda Fedaraalka Shariif Sheekh Axmed ayaa Xasan Sheekh ku eedeeyay hurinta dagaal beeleedyada.
Siyaasiyiin mucaarad ah oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray, wasraxaafadeed ay ku dhaliilayaan islamarkaana ay eedeymo ugu jeedinayaan madaxweynaha Dowladda Fedaraalka.
Siyaasiyiinta kulmay islamarkaana warsaxaafadeedka soo saaray waxaa kamid ah Shariif Sheekh Axmed, kaas Xasan Sheekh ku eedeeyay in uu mas’uul ka yahay dagaal beeleedyada ka holcaya gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya islamarkaana uu dib usoo nooleeyay qabyaaladda.
Maleeshiyaad macaawisley ah oo geysanaya gabood fallo ka dhan ah dadka rayidka ah, ayaa Xasan Sheekh lagu eedeeyay inuu ka aasaasay degaannada ku yaalla goballada dhexe.