Gaadiid badan oo ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah ayaa ku xayiran xadka ay wadaagaan dalalka Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.
Illaa 200 oo gaadiid oo ah booyado shidaal sida ayaa lasoo warinayaa iney ku xanniban yihiin xadka kala qeybiya dalalka Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, iyadgoo lagu amray iney dib uceliyaan shidaalka ay sidaan.
Xukuumadda Koonfurta Suudaan ayaa gadiidka ku amartay iney dib uceliyaan shidaalka ay sidaan, illaa iyo haddana lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrinkaas.
Intii ay wadada kusii jireen booyahadaan shidaalka sida ayaa waxaa dhexda ugalay kooxo burcad ah, iyagoona dilay 2 ruux.
Mid kamid ah dadka wada gaadiidkaas ayaa ka warramaya xaaladda ay wajahayaan.