Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen, gudaha degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose.
Weerarka ayaa waxaa lagu beegsaday askari katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku sugnaa degmada Afgooye.
Maxamed Deeq Ibraahim Cabdi (Bakeylow) oo ahaa askari katirsan dharcadda Dowladda Fedaraalka ayaa lagu dilay, howlgalka ay ciidamda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose.
Geesta kale habeenkii xalay waxaa weerar lagu qaaday, saldhig ay ciidanka shisheeye gaar ahaan kuwa Uganda ku leeyihiin isla gobalkaas.
Weerarka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay, xerada ay ciidanka Uganda ku leeyihiin degmada Jannaale ee gobalka Sh-hoose.