Warar la helayo ayaa sheegaya in la wado qorshe ciidamada isbaheysiga caalamiga ah ee uu horboodayo Mareykanka islamarkaana duullaanka ku joogo dalka Ciraaq looga saarayo waddankaas.
Dowladaha Mareykanka iyo Ciraaq ayaa gaaray, heshiis dhigaya in dalka Ciraaq laga saaro ciidamada isbaheysiga caalamiga ah ee dalkaasi duullaanka ku joogo, qorshahaas insixaabka ah ayaana dhaqan gali doono labada sano ee soo socota.
Ila wareedyo la hadlay wakaaladaha wararka ee reer-galbeedka ayaa shaaca ka qaaday, in qorshaha insixaabka uu dhigayo in boqallaal kamid ah ciidamada isbaheysiga caalamiga ah ee uu Mareykanku horboodayo laga saaro dalkaas marki la gaaro bisha September ee sannadka 2025-ka, halka kuwa soo harana ay bixi doonaan dhammaadka sannadka 2026-ka.
Arrintaan ayay si weyn isugu waafaqeen labadaan dowladood, waxaana la sugayaa iney si wada jir ah isugu waafaqaan islamarkaana ay jaan gooyaan waqtiga ay arrintaani ku dhawaaqayaan.
Masuul sare oo American ah ayaa sheegay in ay Ciraaq la gaareen heshiiskaan, haddana uu arrinku ku xiran yahay oo kaliya iney iclaamiyaan.
Ciidamada isbaheysiga caalamiga ah ee uu Mareykanku horboodayo ayaa muddo ka badan 20 sano waxa ay duullaan Saliibi ah ku joogaan dalka Ciraaq, iyagoona mudadaasi geystay tacaddiyo ka dhan ah dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan dilaas, Mareykanka oo ah kan horboodayo duullaankaas ayaana isaga kaliya waxa uu dilay ku dhawaad 3-milyan oo ruux.