Siyaasadda arrimaha dibadda ee Yahuuda waxay diiradda saartay labaatankii sano ee la soo dhaafay qaaradda Afrika waxayna dowlado badan la sameysatay iskaashi dhaqaale iyo mid amni si ay u hesho codkooda iyo taageeradooda marka la joogo shirarka hay’adaha Qaramada Midoobay.
Laakiin xasuuqii Cisbitaalka Al-Camdaani ee ay fuliyeen Ciidanka Cirka Yahuuda ee Marinka Gaza ee Oktoobar 17, 2023, waxaa ka dhashay hoos u dhac dhanka cilaaqadeedii Afrika waxaana kor u kacay taageerada qadiyadda Falastiin.
Dagaalka ka socda Qaza ayaa mugdi geliyey xiriirka Afrika iyo Yahuuda, waxaana uu kordhiyey codadka ka soo horjeeda joogitaankeeda qaaradda Afrika siiba wadamada Muslimiinta ee ay Yahuudu dhaqaalaha iyo ganacsiyada ku sameysatay.
Sannado badan, xidhiidhka Afrika iyo Yahuuda waxa uu ahaa mid marar badan ku tiirsan qadiyadda Falastiin, Afrika mowqif ahaan waxay taageersanaayeen qadiyadda Falastiin, laakiin taageeradaas waxay hoos u dhacday kadib heshiiskii Camp David 1978, Heshiiskii Oslo ee 1994, iyo heshiisyadii ay wada galeen wadamada Carabta iyo Yahuuda ee lagu caadiyeynayay cilaaqada Yahuuda.
Booqashadii labaad ee siyaasiga Israa’iil ee Avigdor ee Afrika 2014-kii ayaa ku soo beegantay markii la aasaasay “African Lobby” si looga shaqeeyo soo nooleynta xiriirka dowladaha Afrika si ay ugu guuleystaan in ay u codeeyaan waxa loogu yeero nidaamka caalamiga ah.
Markii qaraarka qabyada ah ee Mareykanka ee la xiriira dhaq-dhaqaaqa iska caabinta (Xamas) lagu soo bandhigay Qaramada Midoobay 2018, kaliya 8 wadan oo ku yaala qaarada Afrika ayaa taageeray, halka inta kale ay ka maqnaayeen kulanka oo aysan wax cod ah dhiiban.
Hal-ku-dhegga ah “Ku soo noqo Afrika” wuxuu Yahuuda u suura geliyay iney soo celiso xiriirkii ay la lahayd 46 waddan oo Afrikaan ah, Ra’iisal-wasaare Benjamin Netanyahu waxa uu xoojiyay booqashadiisii qaaradda, isaga oo socdaallo ku maray afar waddan oo ku yaalla gobolka webiga Niil, oo ay ku jiraan Uganda, Kenya, Rwanda, iyo Itoobiya.
Waxa uu sidoo kale ka qeyb galay 2017-kii shirkii Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOWAS) ee Liberia, isagoo booqday dalka Chad 2019 ka dib markii uu caadi ka dhigay xiriirkii uu la lahaa dowladdaas.
In kasta Yahuudu dadaal badan u galeen dhex galkooda qaaradda Afrika, haddana waxay ku guul darreysteen inay abaabulaan shir-madaxeedka Afrika iyo Yahuuda ee la qorsheeyay in 2017 lagu qabto dalka Togo.
Tan iyo dhamaadkii 1950-meeyadii, Yahuudu waxa ay Afrika ka waday ganacsi kala duwan oo uu kan hubku kamid yahay, ilaa ay ka dhistay 1996-dii “Rugta Ganacsiga Israa’iil iyo Afrika” iyada oo ujeedadu tahay in la xoojiyo xiriirka dalalka Saxaraha ka hooseeya. Iskaashiyo badan ayaa lala saxiixday hay’ado Afrikaan ah sida Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika iyo tiro kamid ah rugaha ganacsiga iyo warshadaha ee qaaradda.
Yahuudu waxay Afrika ku doonaysaa joogitaan diblomaasiyadeed oo ay ka hesho iibka hubka iyo maalgashiga shirkadaha amniga, maadaama ay safka hore kaga jirto wadamada hubka fudud u dhoofiya qaaradda. Sannadkii 2019-kii Yahuudu waxay dhaqaale badan ku bixisay sidii ay u xoojin lahayd cilaaqadeed iyo galaangalkeeda qaaradda Afrika.
Yahuudu waxay joogitaan ku leeyihiin waddammada harooyinka waaweyn si ay u xoojiso xakamaynta biyaha kadib markii ay sameysay daraasaad dhiiragelinaya in 3 biyo xireen laga dhiso Zaire iyo Rwanda. Sannadkii 2000, waxay mashaariic waraab ah ka fulisay 10 degmo oo ay abaaruhu saameeyeen oo ka tirsan wadanka Uganda, axayna kaalin weyn ku leedahay qorsheynta biyo xireenka Itoobiya ee AL-NAHDA kaasoo caqabad ku ah biyaha wabiga Niil ee aadan wadamo ay kamid yihiin Suudaan iyo Masar.
Yahuudu waxay qaateen siyaasad ah iney ka faa’iideystaan wadamada Nugul ee ay dadkoodu u badan yihiin Kiristanka ee qaaradda Afrika, mashaariicda ugu badan ee noocan ahna waxay fulisay 2011 iyo 2015, waxay wadanka Senigaal siisay 30 milyan oo Yuuro iyada oo loo marayo Barnaamijka Maalgelinta Beeraha Qaranka (BNIE).
Inkastoo Yahuudu ku guuleysatay iney caadi ka dhigto cilaaqadeeda Afrika haddana waxay ku guul darreysatay in loo diido maqaamkeedii ay ku lahayd shirarka midowga Afrika ee goobjooganimad ahaa, waxaana ugu dambeeyay shirkii36-aad ee Addis Ababa 2023 kadib markii qaar kamid ah madaxda Afrika ay diideen kormeerayaasha Yahuuda iney kasoo qeyb galaan.
Yahuuda ayaa ka shaqaynaysa sidii ay u kordhin lahayd joogitaankeeda gobolka Galbeedka Afrika, iyadoo ka cabsi qabta dalal dhaqaale ahaan isku ballaarinaya gobolka oo ay shiinaha iyo Iiraan kamid yihiin.
Waxay u muuqatay in dagaalka Yahuuda ee Qaza uu saameyn ku yeelan doono mustaqbalka xiriirka Afrika, iyadoo Koonfur Afrika ay qaadatay hindise ay ku dooneyso in ay xiriirka diblumaasiyadeed ugu jarto Yahuuda, walow ay jiraan dowlado fara ku tiris ah oo si indho la’aan ah u taageeray Yahuuda ayna ugu horreyso tan Muqdisho fadhigeedu yahay ee uu Xasan Sheekh hogaamiyo . Marka la eego xaddidaadda saamaynta Yahuuda ee gobolka, Koonfur Afrika waxay ugu baaqday 33 waddan oo Afrikaan ah oo xubno ka ah Hague inay dacwad ka dhan ah Yahuuda u gudbiyaan waxa loogu yeero Maxkamadda Caalamiga ah December 29, 2023.
Yahuudu way awoodi waysay inay ku guulaysato codadka saaxiibadeeda Afrikaanka ah ee Qarammada Midoobay, markii qaraarka Carabta ee ku saabsan weerarrada Yahuuda la horgeeyay Qaramada Midoobay 27-kii Oktoobar, 2023, 120 waddan ayaa taageeray, mana jirto dawlad Afrikaan ah oo diiday qaraarkaas ka dhanka ah Yahuuda.
Xataa Itoobiya oo xiriir taariikhi ah la leh Yahuda, ma muujin diidmadeeda iyadoo ilaalineysa masaalixda ay ka leedahay wadamada qaar, waxayna 2018 ka gaabsatay Yahuudu inay safaaradeeda u rarto Qudus iyadoo la raacayo go’aannada Midowga Afrika. June 10, 2024, Golaha Ammaanka ayaa soo saaray qaraar lagu hurdasiinayo Muslimiinta laguna sheegayo in lagu joojinayo gardarrada Yahuuda ee Gaza, waxayna Yahuudu taageero ka heshay 14 waddan oo kaliya kuwaasoo ay ku jiraan laba waddan oo Afrikaan ah oo kala ah Ghana iyo Mozambique.
Iyadoo la raacayo carada shacabka muslimiinta ee Afrika ee ku aadan Qaza iyo cadaadiska ay saareen dowladahooda waxaa dhacday in dowladda Chad ay taageerada kala noqotay Yahuuda bishii November 2023. Baarlamaanka Tuunis iyo Aljeeriya ayaa iyagana kasoo horjeestay tacadiyada Yahuuda.
Dalal badan oo Afrikaan ah waxaa ka dhacay bannaanbaxyo ay dadweynuhu isugu soo baxeen afaafka hore ee safaaradaha shisheeye kuwaasoo ay ku dalbanayeen in Yahuuda lala xisaabtamo. 31-kii Agoosto, Ra’iisul Wasaaraha Senegal ayaa ka qayb galay socod lagu taageerayay Falastiin wuxuuna dalbaday go’doominta Yahuuda.
Weerarada ay Xuutiyiintu ka fuliyaan Badda Cas ayaa xaddidaya isu socodka ganacsiga Yahuuda iyo Bariga Afrika, taas oo saamayn taban ku yeelan doonta mugga is-dhaafsiga dhaqaale ee qaaradda iyo Yahuuda.