Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa ku waramaya in guutada Qaraxyada ee ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay qarax la beegsadeen askarta ciidamada Uganda.
Ciidamo kolonyo ah oo marayay deegaanka Nambar 50 ee u dhexeeya Shalambood ee Afgooye, ayaa qarax lala eegtay, wuxuuna qaraxa si gaar ah u haleeley gaari nooca Tawga ah.
Ciidankii saarnaa ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa, walow aan la helin xog rasmi ah oo la xiriirta khasaaraha.
Dhanka kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gudaha degmada Afgooye, waxay ka fuliyeen howlgal gaar ah oo lagu beegsaday xubin katirsan Sirdoonka Dowladda Federaalka.
Askari dharcad ah oo lagu magacaabo Maxamed Deeq Ibraahim Cabdi (Bakeylow) ayaa lagu dilay gudaha degmada Afgooye, ragga dilka geystay ayaana goobta uga tagay si nabadi ku dheehantahay.