Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn ay 3 cesho kahor ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen, xerada Ballidoogle oo ah saldhig ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin gobalka Sh-hoose.
Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa duqeynta kasoo gaaray, ciidamada Mareykanka, kuwa Afrikaanta iyo maleeshiyaadka Danab ee daacadda u ah America.
Askari katirsan ciidanka Mareykanka ayaa ku dhaawacmay weerarkaan, kaas oo lasoo warinayo inuu lugaha ka burburay.
Sidoo kale waxaa duqeyntaasi lagu dilay 3 askari oo katirsan ciidanka Shisheeyaha ee dalka kusoo duulay, halka lagu dhaawacay 7 kale.
Dhanka maleeshiyaadka Danab waxaa duqeyntaasi looga dilay 5 askari, waxaana intaa dheer oo gubtay kunteennaro ay shisheeyaha Afrikaanta iyo askarta Dowladda Fedaraalka ugu jiray gudaha xerada Balli-doogle.