Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay fuliyeen, weeraro kala duwan oo ka dhan ah ciidanka shisheeye ee dalka kusoo duulay iyo askarta Dowladda Fedaraalka, kuwaas oo ka kala dhacay gobalka Mandheera ee dhulka NFD, Gedo, Banaadir iyo Sh-hoose.
Haddaan ku horreyno Mandheera, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday, saldhig ay askarta Kenya ku leeyihiin degmada Carabiya ee gobalka Mandheera ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Kenya.
Waxaa weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 1 askari oo Kenyan ah, iyadoo dab uu qabsaday saldhigga la weeraray.
Gobalka Baay wararka ka imaanaya waxay iyagana sheegayaan, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen, isbaaro ay askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed dhigteen, inta u dhaxeysa magaalada Baydhabo iyo deegaanka Goof-gaduud Buurey.
Waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerarkaasi ku dileen, 1 askari oo katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed oo lagu magacaabo Maruub Maxamed, kaas oo ay ka furteen gorigii uu ku hubeysnaa.
Dhanka gobalka Sh-hoose, Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiintaa Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday, xero ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin deegaanka Jaziira ee dhaca wadada xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marka.
Habeenkii xalay waxay sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab madaafiic ku garaaceen, saldhigyo iyo xarumo ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin gudaha magaalada Muqdisho.
Xarunta madaxtooyada Dowladda Fedaraalka ayaa kamid ah goobaha xalay madaafiicda lagu weeraray, waxaa sidoo kale goobaha madaafiicda lagu weeraray kamid ah saldhigyo ay askarta Dowladda Fedaraalka ku kala leeyihiin degmooyinka kala ah, Xamarweyne, Xamar-Jajab, Hilwaa, iyo Yaaqshiid.
Waxaa lasoo warinayaa iney khasaarooyin geysteen madaafiicdaan, walow aanan helinta inta uu la egyhay.