War Saxaafadeed kasoo baxay dowladda Maraykanka, ayaa lagu sheegay in Itoobiya weli tahay goob aan aamin ahayn oo ay xasilooni kajirto, sidaas darteedna uu Maraykanka usii aqoonsanayo iney tahay dal ay ka imaan karaan halisyo ka dhan ah danaha Maraykanka.
War Saxaafadeed kasoo baxay Aqalka cad ee looga arimiyo shacabka Maraykanka, ayaa lagu sheegay in Maraykanku go’aansaday in xaaladda deg-dega ah ay sii saarnaato dalka Itoobiya, inta uu xaalka dalkan iska bedelayo.
” Xaaladda Wuqooyiga Itoobiya ee ku tilmaaman amni darada iyo xasilooni la’aanta, islamarkaana halis ku ah amniga dalka Itoobiya iyo guud ahaan geeska Afrika, waxay weli halis aan caadi ahayn ku tahay amniga qaranka Maraykanka iyo siyaasadiisa arimaha dibadda” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Aqalka cad ee Maraykanka.
War saxaafadeedka kasoo baxay Aqalka Cad ee Maraykanka oo sii socda waxaa lagu yiri ” Sababtan aan soo sheegnay darteed, waxaa halkiisa kasii soconaya xaaladda deg-dega ah ee lagu soo rogay Itoobiya 17-kii September 2021-da”.
Sanadihii u dambeeyay dalka Itoobiya, ayaa noqday dal burbrusan oo kala jabay, waxaana lumay awooddii dowladda dhexe, iyadoo dalku ay ku faafeen malleeshiayad hubeysan oo kasoo horjeeda xukuumadda Adis Ababa. Abey Axmed oo ay horey reer galbeedku u siiyeen billada nabadda ayaa noqday dagaal ooge xoog ku baadi gooba danihiisa siyaasadeed.