War saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen wasaaradaha caafimaadka ee maamul gobaleedyada ay shisheeyuhu dalka ka dhigteen ayaa eedeyn loogu jeediyay wasiirka caafimaadka ee Dowladda Fedaraalka.
Mashaariic ay ku sheegeen caafimaad oo dalka ka socday ayay wasaaraddu ku eedeeyeen iney caqabad ku noqotay.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee Dowladda Fedaraalka ayay ku eedeeyeen inuu awaamiir siiyay hey’adaha, kuwaasi oo uu faray iney joojiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa maamul gobaleedyada.
Maamul goboleedyada dalka kajira, ayaan si rasmi ah u hoostagin Dowladda Federaalka, waxayna qeyb ka yihiin kala qeybinta dalka, fikradda aas-aaskoodana waxaa leh Shiseeyaha.