Gudoomiyaha degmada Kaxda ee Dowladda Fedaraalka ayaa uhanjabay dad ka cawday dhac ay ugeystaan ciidamadooda.
Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo ah gudoomiyaha Dowladda Fedaraalka ugu magacaaban ayaa isagoo careysan waxa uu la hadlay saxaafadda, isagoona hanjabaad ujeediyay, bulshada ku dhaqan degmadaas oo mudooyinkii lasoo dhaafay la kulmayay dhac iyo xadgudubyo ay geysanayaan ciidamada.
Waxa uu tilmaamay in dadka la dhacay ee dhibaatada loo geystay ay yihiin kuwa amniga khalkhal ku haya.
Dadka ayuu ugu hanjabay inaan mar kale laga yeeli doonin iney ka cawdaan dhaca ay askarta geysanayaan, hadey soo dacwoonna laga rabo iney keenaan askartii dhaca geystay.
Halkaan ka Degso Warka Gudooniyaha Kaxda