Inkabadan 50 ruux ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday, duqeymo ay diyaaradaha maamulka Yahuudda ka geysteen qeybo kamid ah gobolka Xammaah ee bartamaha dalka Suuriya.
Magaalada Misyaaf ee gobolka Xammaah, ayay diyaaradaha Yahuudda dhowr gantaal la dheceen, durbadiina waxay duqeymuhu dhaliyeen dab ka kacay mandiqadda.
Ilo wareedyo caafimaad oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay, in duqeynta ay ku dhinteen ugu yaraan 14 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 43 qof oo kale.
Wasaaradda Warfaafinta ee Nidaamka Nusayriyada, ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in ciidankooda difaaca hawada ay ka hortageen duqeymo ay geysteen diyaaradaha Yahuudda, kuwaasoo beegsaday baro kontorool oo ay ku sugnaayeen askar katirsan Nidaamka Nusayriyada.
Warbaahinta Yahuudda waxay dhankooda tilmaameen, in diyaaradahooda ay habeenkii xalay duqeymo ka geysteen qeybo kamid ah dalka Suuriya, iyagoo sheegay iney beegsadeen goob lagu farsameeyo hubka wax gumaada.
Bilooyinkii lasoo dhaafay, diyaaradaha maamulka Yahuudda ayaa silsilado duqeymo ah ka fuliyay dalka Suuriya, kuwaasoo qaarkood lagu dilay xubno sare oo katirsan dowladda shiicada ah ee Iiraan.