Wargeyska Foreing Policy ee kasoo baxa dalka Maraykanka, ayaa warbixin uu daabacay waxa uu kaga hadlay munaafaqadda shakhsiyadda Abiy Axmed, oo ay ku sheegtay inuu yahay nin dhowr weji leh, hab fakarkiisana ay saameyn ku leeyihin shakhsiyaad kala duwan oo soo maray Itoobiya.
“ Shakhsiyadda Abiy Axmed, waa mid aad looga garanayo taariikhda macbadka Itoobiya, sidoo kalena waa qof leh shakhsiyad cusub, waa xagjir Kirishtaan ah oo lamid ah imbiraadoorkii Tadroos Ath-Thaani ee qarnigii 19aad, sidoo kalena wuxuu lamid yahay shakhsiyad agaasime ka ah shirkad, kaasoo adeegsanaya hab fakar iijaabi ah, iyo erey bixinnada ay lamid tahay taageerada shaqaalaha, si loo kordhiyo wax soo saarka shirkadda” ayay leedahay warbixinta uu daabacay wargeyska Foreing Policy.
Warbixinta waxay sheegeysaa, in maanka Abiy Axmed ay ku noolyihiin shakhsiyaad kala duwan oo iska hor imaanaya, dagaalkii Tigrey ayaana dhulka la galay sumcadda Abiy Axmed, oo horey loogu tirinayay inuu yahay shakhsi nabadeed oo u xusul duubaya in lasoo afjaro siraacaatka geeska Afrika.
Waxay warbixintu soo gudbineysaa billowgii kusoo biiritaanka Abiy Axmed ee caalamka siyaasadda iyo sirdoonka, iyadoo tilmaameysa inuu ahaa shakhsiyad daacad u ah ajandaha Maraykanka ee waxa loogu yeero la dagaallanka argagaxisada.
Wuxuu kulankiisa ugu horeeyay ee u horseeday inuu kusoo biiro sirdoonka Itooiyba la qaatay Jeneraal Tikli Burhaan, oo ahaa madaxa qeybta xogaha Technologiyada ee sirdoonka milliteriga Itoobiya, wuxuuna u bandhigay inuu kusoo biiro shaqo uu isagu masuul ka ahaa, oo ay iska kaashanayeen sirdoonka Itoobiya iyo kan Maraykanka.
Sirdoon aan waxba ka duwaneyn kan Maraykanka, una shaqeeyo qaab dhismeedkiisa, ayaa laga hirgeliyay dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaana noqday xubin firfircoon oo waaxdan ka shqeysa, isagoo si cad u sheegi jiray inuu mar weliba diyaar u yahay inuu Maraykanka dartii u dhinto, sida ay warbixinta Foreing Policy tilmaameyso.
Abiy Axmed iyo shan ruux oo kamid ah sirdoonka Itoobiya, ayay warbixintu sheegeysaa in loo diray dalka Koonfur Afrika, si ay halkaas uga soo bartaan qaababka loo xiro xogaha ku keydsan qalabyada Technologiyada, sidaasina wuxuu ku noqday shakhsiyaad kooban oo qowmiyadda Oromada kasoo jeeda, oo galaangal xogo leh ku lahaa sirdoonka Itoobiya.
Maadaama uu ahaa qof dhalinyaro ah oo firfircoon, waxay warbixinta oo soo xiganeysa masuuliyiin Ameerikaan ah tilmaameysaa, inuu Abiy Axmed ku guuleystay inuu xiriir wanaagsan la yeesho dowladda Maraykanka, isagoo ku guuleystay inuu xiriiro la sameeyo wakaalado sirdoon oo Shisheeye.
Waxay warbixintu soo xiganeysaa hadal uu horey uu yiri Abiy Axmed, oo muujinaya sida uu daacadda ugu yahay masaalixda Maraykanka, wuxuu leeyahay “ Waxaan ahaa qofka keliya ee xogaha la xiriira Suudaan, Yemen iyo Soomaaliyaba u gudbiya dowladda Maraykanka, CIA-du way I garaneysaa, waxaan u dagaallamayaa una dhimanayaa Maraykanka dartiis”.
Inkastoo uu yahay shakhsiyad ay saameyn ku leedahay madaxdii soo maray Itoobiya, hab fakarkoodana la nool, hadana wuxuu isku dayay inuu isu muujiyo inuu yahay qof leh mustaqbal, oo aan meel ugu xirneyn taariikhdii dalka soo martay, sidaasi darteed markii uu noqday ra’iisul wasaaraha Itoobiya, wuxuu isku howlay marin habaabinta ra’yu caamka guud ee geeska Afrika, isagoo iska dhigay shakhsiyad nabadeed.
Marka laga hadlayo shakhsiyadda munaafaqnimada leh ee uu Abiy Axmed ku tilmaamanyahay, waxay warbixinta Foreing Policy leedahay “ Waa nin is burinaya oo iska hor imaanaya, waa qof wax wacdinaya islamarkaasna ah jaajuus, waa kirishtaan xamaasad badan, laakiin hadana mujaamalo badan, wax welibana wuxuu u arkaa iney shirqool, waana nin qamaariste ah, oo u arka in fowdada loo bedeli karo nimco weyn” ayay leedahay warbixinta.
Iyadoo waqti xaadirkan uu kala furfurmay nidaamka caalamiga ah, taxaalufaatkii jiri jireyna ay dhabarka isu jeediyeen, waxay warbixinta Foreing Policy ku tilmaameysaa Abiy Axmed inuu yahay “ qof dhinacyada oo dhan saaxiib la ah, laakiin aaney jirin cid uu daacad u yahay”.
Sanadkii 2010-ka, waxaa Abiy Axmed laga eryay shaqadii uu ka hayay sirdoonka dalka Itoobiya, kadib markii lagu eedeeyey musuq maasuq iyo wax isdabamarin, laakiin 8 sano kadib wuxuu soo noqday isagoo ah ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya.
Kacdoonnadii ay dhigeeen qowmiyadaha dalka, gaar ahaan Oromada oo ah qowmiyadda ugu ballaaran Itoobiya, ayuu Abiy Axmed ka faa’ideystay, isagoo isu muujiyay inuu yahay hogaamiye ay ka go’antahay inuu meesha ka saaro keligii talisnimada dalka ka jirtay, iyo xukunka oo Tigreega oo keliya gacanta ugu jiray.
“ Caalamka wuu ku khaldamay fahmidda shakhsiyadda Abiy Axmed, markii uu sanadkii 2018-ka noqday ra’iisul wasaaraha Itoobiya, reer galbeedkuna wuu maamuusay ninkan, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay cilmaami waxbadan hagaajinaya, kuna haboon in Itoobiyada ay ragaadisay siraaca qowmiyadaha uu kasoo saaro dal dimuqraadi ah” ayay leedahay warbixinta uu daabacay wargeyska Foreing Policy.
Sanad kadib imaanshihiisa xafiiska madaxtnimada dalka Itoobiya, wuxuu Abiy Axmed heshiis la saxiixday dalka Ereteriya oo colaad qadiimi ah kala dhexeysay Itoobiya, tallaabadan oo keliya ayayna reer galbeedku daliil uga dhigteen in Abiy Axmed yahay qof ka shaqeynaya nabadda caalamiga ah, sida ay warka u dhigeen.
“ Xafladdii ka dhacday Oslo ee uu kula wareegayay billada nabadda, wuxuu Abiy Axmed sheegay in dagaalku uu jaxiimo u yahay dhamaan dhinacyada ka qeybgalaya, isaguna uu arinkaasi dareemayo, maadaama uu joogo mandiqad loolannadu ay joogta ka yihiin, laakiin wax kayar sanad wuxuu huriyay Abiy Axmed mid kamid ah dagaalladii ugu xumaa ee qarniga 21aad ka dhaca wuqooyiga Itoobiya” ayay leedahay warbixinta uu daabacay wargeyska Ameerikaanka ah.
Abiy Axmed, ayaa hadda wuxuu ku lug leeyahay qulqulatooyin siyaasadeed oo ka jira mandiqadda geeska Afrika, dhawaan khudbad uu ka jeediyay magaalada Adis Ababa ayuuna ku goodiyay inuu sanka dhulka ugu jiidi doono cid weliba oo halis gelineysa amniga Itoobiya, hadalkaas oo loo fasirtay inuu yahay mid ku socda dowladda Masar, ee qorshuhu yahay iney ciidamo usoo dirto Soomaaliya.
Halkaan ka Degso Warbixinta Abiy Axmed