Xafiiska Warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa soo saaray war saxaafadeed ku qoran luuqadaha Carabi, English iyo Soomaali, kaasoo looga hadlay asbaabaha keenay weeraradii 11-ka September.
War saxaafadeedka waxaa lagu sheegay, in siyaasadda arimaha dibadda ee Maraykanka ay sabab u tahay weeraradii 11 September, xilligan la joogana ay suuragal tahay iney dhacaan kuwa lamid ah weeraradaas.
Waxaa lagu ballanqaaday war saxaafadeedka, in mu’assasada Al-Kataa’ib faafin doono filim ducumentry ah, kaasoo la daawan karo inkabadan hal saacadood, loogana hadlayo sababha keenay weeraradii 11 September.