Waxaa gabi ahaanba joogsaday duulimaadyadii joogtada ahaa ee garoonka Jomo Kenyatta oo ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.
Tani ayaa timid kadib markii shaqaalaha ka shaqeynayay garoonka ay shaqo joojin ku dhawaaqeen.
Shaqo joojinta ay sameeyeen shaqaalaha ayay usababeeyeen, in dowladda Kenya ay heshiis la gashay sharikad laga leeyahay dalka Hindiya, taas oo maamuli doonto garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi.
Tallaabadaan waxaa ka horreeyay mid kale oo ay qaadeen wadayaasha gaadiidka xamuulka ee Kenya, kuwaas oo shaqo joojin sameeyay, sababo ku aaddan amni darro ay tabanayaan.