Wargeyska Bloomberg ee kasoo baxa dalka Maraykanka, ayaa baahiyay warbixin uu kaga hadlayo isku dayo xoogan oo ay dowladda Turkiga wado, taasoo ay ku dooneyso iney ku ballaariso galaangalkeeda milliteri ee dalkan Soomaaliya.
Wargeyska ayaa sheegay, in masuuliyiinta Turkiga ay kala hadleen Dowladda Federaalka, sidii Turkigu Soomaaliyga uga dhisi lahaa, saldhig ballaaran oo laga diro gantaallada ridada dheer.
Ilo wareedyo diiday in magacyadooda warbaahinta loo adeegsado oo la hadlay Bloomberg, ayaa sheegay in Soomaaliya oo dhacda goob muhiim ah oo u dhow dhul-baraha, ay ku wanaagsantahay howlgalaha diritaanka gantaallada ridada dheer, sidaasi darteedna ay Turkigu daneyneyso.
Maadaama gantaallada ay u baahanyihiin tijaabooyin, waxay dowladda Turkiga is tuseysaa in Soomaaliya ay ku wanaagsantahay tijaabinta, maadaama ay leedahay badweyn ballaaran, oo marti gelin karta howlgallada tijaabada, sida ay sheegeyso warbixinta.
Dowladda Turkiga oo u xusul duubeysa iney ballaariso awoodeeda milliteri iyo saameynta ay ku leedahay dunida, ayaa u aragta dalkan beylahda ah meel marti gelin kara mashaariicdeeda ballaaran.
Masuuliyiinta Turkida ee wargeyska Bloomberg la hadlay, ayaa sheegay iney kalsooni weyn ku qabaan in Dowladda Federaalka ay ogolaaneyso mashruuca xukuumadda Ankara.
Sanadkii 2011-dii, ayay dowladda Turkiga billowday faragelinteeda Soomaaliya, waxaana dalkan ay ku leedahay saldhiga milliteri ee ugu weyn ee ku yeela meel ka baxsan Turkiga, waxaana intaa dheer iney gacanta ku heyso ilaha dhaqaale ee dalka, sida dekadda iyo garoonka Muqdisho.
Dowladda Turkiga oo qeyb ka ah ururka NATO ee uu Maraykanku hogaamiyo, ayaa qaadeysa tallaabooyin dheereeya oo la xiriira sidii ay Soomaaliya uga dhigi lahayd dal uu Turkigu ka sameysto waxa uu doono, dowladaha caalamkana ay iyadu usoo maraan danaha ay ka leeyihiin dalkan.
Dhawaan, waxaa dowladda Turkiga loo saxiixay mashruuc ay xeebaha Soomaaliya uga qodeyso shidaalka, bishan September ee socota ayaana lagu wadaa in markabka shidaal baarista uu soo gaaro xeebaha Soomaaliya.