HomeAll newsDowladda Tajakistaan oo Caddeysatay La Dagaalanka Diinta Islaamka.

Dowladda Tajakistaan oo Caddeysatay La Dagaalanka Diinta Islaamka.

Tajikistan ayaa bilaawday olole ballaaran oo ay ku beegsanayso shacaa’irta Islaamka iyo muuqaal walba oo muujinaya islaamnimo, sida gararka dhaadheer iyo xijaabka sharciga ah, kadib markii dowladda Ruushka ay tiro dad ah oo u dhashay wadanka ay ku eedeysay iney Mosko ka fuliyeen weeraro ay ku tilmaantay kuwa argagixiso, sida lagu xusay warbixin dheer oo uu qoray wargeyska New York Times.

Wargeysku waxa uu dib u eegis ku sameynayaa sheekada gabar 27 jir ah oo u dhalatay dalka Tajikistan, taasoo aragtay xubno ka tirsan maamulka deegaanka oo maqas ku sita bannaanka maqaayad ku taal magaalada Dushanbe ee caasimadda dalka Tajikistan, iyagoo ragga ka jaraya garka haddii ay u arkaan inuu dheer yahay.

Sida uu sheegay wargeyska, gabadha qudheeda ayaa la xidhay dhawr jeer ilaa ay go’aansatay inay iska dhaafto xijaabka illaa inta ay fursad uga heleyso iney ka hijrooto wadankaas.

Dowladda Tajikistan ee uu hogaamiyo Emomali Rahmon oo xukunka heysay in ka badan sodon sano, ayaa soo rogtay xayiraado badan oo ay ku jiraan in gabdhuhu iskuula ku aadaan xijaabka, go’aankaan oo soo baxay sannadkii 2007 ayaa lasii xoojiyay xilligan, iyadoo sidoo kale la adkeeyay amar soo baxay 2009 oo ahaa inaan xarumaha dowladda lagu iman karin xijaab, shaqaaluhuna aysan muujin karin shacaa’irta sida in la deysto garka.

Dalkan oo ay dadkiisu muslimiin yihiin ayaa waxaa ka talisa dowlad dimuqraadi ah oo ku daaban dowladaha shisheeye ee aadka u neceb islaamka sida Ruushka iyo Reer Yurub qaarkood, waxaana ku nool dad lagu qiyaaso 10 milyan oo qof.

Baarlamaanka wadankaas ayaa ansixiyay wax ka beddelka sharciga “Dhaqanka iyo dabaaldegyada” kaas oo mamnuucaya xidhashada “dharka ka baxsan dhaqanka wadankaas,” waxaana la oggolaaday qofku inuu wuxuu doono ku labisan karo xataa maqaar doofaar. Wax ka beddelka ayaa sidoo kale mamnuucaya soo dejinta, iibinta iyo xayeysiinta dharka dhaqamada shisheeye ee kasoo horjeeda hidaha wadankaas.

Ganaax lacageed oo aad u badan oo u dhexeeya $660 ilaa $1,400 ayaa lagu soo rogay ciddii ku xad gudubta shuruucdan, taas oo kordhinaysa cadaadiska dadka ku nool waddan uu hareeyay faqi iyo shaqo la’aan.

Dawladaha hoose waxay samaysteen ciidamo gaar ah oo la dagaalama xijaabka iyo garka, halka booliisku ay weerareen suuqyada si ay u qabtaan cid walba oo ay ku arkaan waxyaabaha mamnuuca ah.

Caqliga ka dambeeya arrintan ayaa u muuqda mid meesha ka saaraya muuqaalada guud ee Islaamka, kaasoo ay dowladdu aaminsan tahay in ay wax ka tari doonto xakamaynta Islaamka iyo xaddididda xornimada qofka muslimka ah ee diintiisa oo ay iyadu u aragto xagjirnimo.

Iyadoo ay jiraan tallaabooyinkan, khubarada la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisanimada ayaa tilmaamaya in siyaasaddan ay keeni karto natiijo aan la mahdin.

Lucas Weber, oo ah aasaasaha xarun ka shaqeysa cimbi baarisyada ku aadan islaamka iyo jihaadiyiinta ayaa aamisan in dhaqdhaqaaqan ay sameeneyso dowladda Taajakistaan oo keeni karo caro iyo iney kacdoon sameeyaan dadka muslimiinta ah.

Hawlgallada gurracan ee dowladda Taajakistaan ayaa waxa uu ku tilmaamay kuwa sahlaya in bulsahda fahamsan diinta islaamka iyo kuwa qiirada diimeed leh iney ku biiri karaan jihaadiyiinta.

Tajikistan ayaa heshiis dhanka ammaanka ah la saxiixatay Mareykanka bishii May ee lasoo dhaafay, iyadoo ujeedadu tahay in aad loola socdo dadka soo galaya wadanka ee ay sunnadu ka muuqato iyo kuwa lagu tuhmo iney xiriir la leeyihiin mujaahidiinta ka galgamaya caalamka Islaamka.

Khubarada xuquuqul insaanka ayaa tilmaamay in halkii ay wax ka qaban lahayd dowladda Taajakistaan musuqmaasuqa iyo cadaalad la’aanta bulshada iney raadineyso arrimo madaw oo keeni kara halis amni iyo mid masiiri ah.

Aragtiyo laga qaaday qaar badan oo kamid ah bulshada wadankaas waxay ku sheegeen iney kasoo horjeedaan tallaabada diin la dirirka ah ee ay dowladdu qaaday, ayna aaminsan yihiin in qofka muslimka ah uu xor u yahay waxa ay diintiisu fareyso.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular