HomeAll newsDadka Kunool Deegaanno Hoostaga Guriceel Oo Cabasho ka ah Kooxda Suufiyada.

Dadka Kunool Deegaanno Hoostaga Guriceel Oo Cabasho ka ah Kooxda Suufiyada.

guricBulshada ku dhaqan degaanno badan oo ku dhadhaw magaalada Guri-Ceel ee gobolka Galgaduud, ayaa cabsho xooggan ka muujinaya, Mukaraad waaweyn iyo dhaqan-xumo aan diinta Islaamka sal iyo raadi kulahayn, oo ay dad katirsan kooxda Suufiyada ee gobollada dhexe kawadaan halkaasi.

Waxgaradka degaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhibaatooyinka ay ku hayaan dadka Suufiyada ah ay yihiin, iney ka kaxeysteen dumarkii udhaxay, islamarkaana duur cidlo ah geed uga waabeen, Mowlacna ku tilmaameen.

Halkaasi ayay sheegeen waxgaradku iney dadkan Suufida ah haweenka ugu yeertaan habeen-barkii, iyaga oo isla habeenimo ku kala taga.

Waxay sheegeen waxgaradka oo ka hadlay dhibaatooyinka kala duwan ee ay ku hayaan kooxahan bulshada, iney suufidan ku direen raggii haweenkooda, islamarkaana ka sameeyeen arrimo waxba kama jiraan ah, haweenkii raggu qabeenna ay duurka lagaleen waabana udhiseen.

Arrintan ayey waxgaradku sheegeen iney socoto muddo dhowr bilood ah, dhibaatadeeduna wali waa taagan tahay sida carrabka ku dhufteen waxgaradkan.

Dhinac kale waxay dadka degaanku cabasho ka muujiyeen maandooriye halis ah oo dhibaato horleh ku haya bulshada, kaasoo ah kaniiniga Daraamidoolka.

Halkan ka dhagayso.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular