Maalintii shala waxaa magaalada Baladweyne lagu dilay mid kamid ah nabadoonnada degmadaasi, xilli uu kasoo baxay masjidka khudbadii Jimcaha kadib.
Ninkan nabadoonka ah ee la dilay ayaa lagu magacaabijiray Xasan Yare, waxaana dilkiisa loo adeegsaday Toorreey.
Ninkii dilay Nabadoonka ayaa la sheegay inuu si nabad ah ku joogay goobta kadib dilkiisa, inkastoo goordame la sheegay in la qabtay oo la xiray.
Wuxuu ku dhuftay dhowr toorreey, ugu dambeyna waa uu geeriyooday nabadoonku, kadib markii la geeyay isbitaalka.
Dadkii goob-jooga u ahaa dhacdada iyo kuwii ka agdhawaa ayaa aad uga argagaxay falkan, Iyadoo nabadoonka dadkii aqoonta u lahaa ay ku tilmaameen wanaag.