Dadkaan oo ku dhaqan halka loo yaqaanno Miisaanka Dhuxusha ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay cabasho ka yihiin, shaqsiyaad katirsan Dowladda Fedaraalka oo dhulboob ku haya.
Waxa ay sheegeen in awood loo adeegsanayo, islarkaana si sharci darro ah lagu boobayo dhulkooda.
Dibadbax ay dhigeen ayay ku muujiyeen, sida ay uga soo horjeedaan dhulboobka lagu hayo.
Waxay kale oo ay tilmaameen in lla burburiyay hantidooda, islamarkaaana la doonayo in dhulkooda si xoog ah looga qaato.