Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 4 ruux ayaa ku nafwaayay, kadib markii ay kusoo duntay bullaacad qaada biyaha wasaqeysan oo ku taalla xaafad katirsan ismaamulka Nairobi ee dalka Kenya.
Sidoo kale waxaa dhacdadaani ku dhaawacmay 3 ruux, kuwaas oo la dhigay xarumaha caafimaadka.
Goobta ayaa la sheegay inuu dhisme ka socday, iyadoo qaar kamid ah shaqaalaha ay qandaraaslaha ku eedeeyeen inuu xilli habeen saqdhexe ah shaqo galiyay.