Maxkamad milliteri oo ku taalla magaalada Kinshaasa, ayaa maalintiii shalay oo Jimco ahayd, waxay xukun dil toogasho ah ku riday ugu yaraan 37 ruux, oo ku eedeysan iney qeyb ka ahaayeen afgembi fashilmay oo dlakaas ka dhacay bishii May ee aynu soo dhaafnay.
Dadka xukunka dilka toogashada ah lagu riday waxaa kamid ah 6 ruux oo aan u dhalan dalka Koongada Dimuqraadiga, kuwaasoo 3 kamid ah kasoo jeedaan dalka Maraykanka.
Qaadiga xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay iney go’aan ku gaareen in 37 ruux oo kamid ah 51 eedeysane oo loo heysto fal afgembi fashilmay, lagu rido xukun dil toogasho ah.
Bishii June ee lasoo dhaafay, ayay ahayd markii ugu horeysay oo ay maxkamad ku taalla Koongada Dimuqraadiga, lasoo taago ugu yaraan 50 ruux, oo ay ku jiraan dad kasoo jeeda dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Canada, kuwaasoo loo heysto iney maleegeen fal afgembi ah.