Dowradan oo socotay muddo 10 maalin ah ayuu maktabka dacwada ee maamulka Islaamiga ah ee gobolka Galgaduud uqabtay, in kabadan 150 qof oo kamid ah dadka ku nool tuulada Tagaabeeye ee hoostagta degmada Ceel-Buur ee gobolkaasi,
Dadkan ayaa isugujira rag iyo dumar, waxayna dowradan intii ay socotay ku qaateen duruus muhiim ah.
Qaar kamid ah Raggii iyo dumarkii qaatay dowrada, ayaa soo gudbiyay duruustii ay faa’iideystay.