Waxaa saacadihii lasoo dhaafay dagaallo culus ka dheceen duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo xarun u ah maamulka labaxay Koonfur galbeed, ee gacan saarka dhow la leh Itoobiya.
Weerar dhabogal ah, oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaa lagu dilay 5 askari oo katirsan ciidamada maamulka Koonfur galbeed, halka lagu dhaawacay 7 kale.
Askarta la dilay waxaa ku jira, sarkaal lagu magacaabo Xasan Liitar, oo ahaa taliyaha ciidamada degan xerada Iidow Dhigaal ee magaalada Baydhabo, taasoo xalay weerar culus ku qaadeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Dhanka kale, magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa marti gelisay, weerar culus oo ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Guutooyinka Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa madaafiic ku garaacay xerada Hiil-weyne, oo ay deganyihiin ciidamo katirsan Dowladda Federaalka. Waxay ku taallaa wadada xiririisa Muqdisho iyo degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dexe.