HomeAll newsShil Tareen oo Khasaare geystay ayaa ka Dhacay dalka Masar.

Shil Tareen oo Khasaare geystay ayaa ka Dhacay dalka Masar.

Wararka ka imaanaya dalka Masar, ayaa tilmaamaya in shil tareen oo ka dhacay dalkaas uu geystay khasaare nafeed.

Shilka ayaa maalintii shalay ka dhacay magaalada Az-Zaqaaziiq ee gobolka bari, ee dhaca wuqooyi bari magaalada Al-Qaahira, waxaana isku dhacay labo tareen oo rakaab siday.

War kasoo baxay wasaaradda Caafimaadka iyo deegaanka ee dalka Masar, ayaa lagu sheegay in shilka uu sababay dhimashada ugu yaraan 3 ruux, iyo dhaawaca 49 kale.

Dadka dhaawacyada qaba ayaa la dhigay isbitaallo caafimaad oo ku yaala magaalada uu shilka ka dhacay, waxaana laga deyrinayaa xaaladda caafimaad ee 5 kamid ah dadka dhaawacyada qaba.

Labada tareen ee isku dhacay ayaa mid kamid ah wuxuu kasoo baxay magaalada Az-Zaqaaziiq, isagoo kusii jeeday Al-Ismaaciiliyah, halka midka kalena uu kasoo safray Al-Mansuura oo uu kusii jeeday Az-Zaqaaziiq.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular