Gaadiidleydan oo ku safra wadada isku xirta Jowhar iyo magaalada Muqdisho ayaa cabsho xooggan ka muujiyay dhac, afduub iyo dhibaatooyin kale oo ay geysanayaan ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka.
Waxay sheen iney dhibaatooyinkaan isa soo tarayeen mudooyinkii dambe, iyagoo intaa ku daray in meelaha ugu daran ay yihiin degmooyinka Jowhar iyo Mahaddaay.
Dadka rakaabka ah ayey sheegeen in laga furto wax waliboo ay wataan, taasoo ay usii dheer tahay gaadiidka in lagu soo rogay lacago xad-dhaaf ah.