Ugu yaraan 2 askari oo Hindi ah ayaa lagu dilay 2 kalena waa lagu dhaawacay, iska hor-imaad ka dhacay gobalka Kishmiir ee ay ku muransan yihiin dowladaha Hindiya iyo Pakistan.
Weerarkaan ayaa dhacay iyadoo maalmo yar ay ka dhiman tahay, doorasho maxalli ah oo la qorsheynayo iney ka dhacdo gobalka Kishmiir ee ku yaalla buuraha Himilaaya ee dalka Hindiya.
War kasoo baxay boliska Hindiya ayaa xaqiijiyay, geerida askarta lagu dilay weerarka oo si gaar ah kaga dhacay mandiqadda Kishtwar ee ku taalla gobalka Kishmiir.
Dowladda Hindiya ayaa ku dhawaad 500 oo kun oo askari waxa ay udirtay gobalka Kirshmiir, si ay uga hortagaan kooxaha ka dagaallama mandiqadda, waxaana duullaanka ciidankaas oo billawday sannadkii 1989 uu sababay geerida tobannaan kun oo ruux oo isugu jira dad rayid ah, askar katirsan dowladda Hindiya iyo kooxaha ka dagaallama gobalka.