Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Aala-Sucuud ayaa shaaca ka qaaday, in maalintii shalay xukun dil ah lagu fuliyay muwaadin udhashay dalkaas, kaas oo ay ku eedeeyeen waxa ay ugu yeereen khiyaano qaran.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay, in ruuxa la dilay loo heysto eedeymo dhowr ah oo ay kamid yihiin, waxa loogu yeero khiyaano qaran, in uu ku biiray kooxo Jihaadi ah iyo arrimo kale.
Magaalada Riyaad ee caasimadda maamulka Aala-Sucuud ayuu shalay ka dhacay xukunkaan dilka ah ee lagu fuliyay ruusha udhashay Sucuudiga.
Nidaamkaan ayaa marar badan wax auu fuliyay dilal nuucaan ah, waxaana tirakoobyo la sameeyay lagu ogaaday in sannadkaan gudihiisa ay dileen in ka badan 140 ruux.
Maamulka Aala-Sucuud ee ku habsaday dhulka Xarameynka ayaa caado ka dhigtay leynta dadka Muslimiinta ah ee ku nool dhulkaas, kuwaas oo ay ugu horreeyaan culimada, iyadoo wali xabsiyada ku yaalla Sucuudiga ay ku jiraan culimo waaweyn oo kamid ah ducaada Muslimiinta.