HomeAll newsZimbabwe oo Amar ku Bixisay in La Laayo Maroodiga ku Nool Dalkeeda.

Zimbabwe oo Amar ku Bixisay in La Laayo Maroodiga ku Nool Dalkeeda.

Dowladda Zimbabwe oo kamid ah dowladaha ku yaalla qaaradda Africa ayaa soo saartay, amar lagu laynayo Maroodiga ku nool dalkeeda.

Maamulka dowladdaan ayaa amar ku bixiyay in la laayo illaa 200 oo Maroodi ah, taas oo ay usababeeyeen abaar aan horay loo arag oo dalka ka jirta, oo keentay cunno yari saameysay dadka.

Tallaabadaan ayay sidoo kale ku sheegtay iney tahay mid looga hortagayo xayawanaadka dalkaasi kusii kordhaya.

“Dalkeenna waxa uu marti galinayaa tiro Maroodiyaal ah oo ka badan intii loo baahnaa, dowladdu waxa ay soo saartay towjiihaad ku socda hey’adda beeraha iyo duur-joogta Zimbabwe oo lagu farayo iney billaabaan howlgalka lagu leynayo Maroodiga” ayuu yiri wasiir katirsan dowladdaas.

Maamulaha guud ee hey’adda bey’ada Zimbabwe ayaa isana sheegay, in howlgalka lagu ugaarsanayo 200 ee Maroodi uu ka billaabanayo degaannada ay ku bateen ee ay isaga hor-imaanayaan iyaga iyo dadka oo ay kamid tahay Mandiqadda Hwange, oo ah hoyga ugu weyn ee ay ku nool yihiin Maroodiyaasha Zimbabwe.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular